Xog-uruurinta Deegaanka 1aad ee Bulshada Soomaalida - Mudnaanta Isticmaalka Xarunta
Gobolka 1aad ee Blueprint APS, diiwangelinta ardaydu waxay hoos u dhacday sanado. Hoos u dhac ku yimaada is-diiwaangelintu waxay timaaddaa caqabadaha maalgelinta ee ay tahay inaan wax ka qabanno si aan mustaqbalka ugu adeegno bulshadeena. Tallaabo muhiim ka ah qorshaynta waa in la go'aamiyo sida tas-hiilaadka hadda jira ee APS ee ku yaala gobolka laga yaabo in dib loo qaabeeyo ama loo isticmaalo si ka duwan sida ay hadda yihiin. Si taas loo sameeyo, waxaa muhiim ah inaan tixgelinno jawaab-celinta bulshadeena. Gaar ahaan, waxaan jeclaan lahayn inaan ku waydiino waxa aad u aragto inay yihiin adeegsiga baahiyaha xarunta ee mudnaanta-sare leh marka aynu eegno mustaqbalka. Si kale haddii loo dhigo, sidee u jeclaan lahayd in mustaqbalka lagu arko tas-hiilaadka APS ee gobolkaaga?

APS waxay dhawaan jawaab-celin ka heshay kooxaha diirada saara dhibaatooyinka bulshada oo ka kooban waalidiinta, mas'uuliyiinta, shaqaalaha iyo xubnaha bulshada ee ku nool kana shaqeeya Gobolka 1aad ee APS. APS waxay jeclaan lahayd fikrado dheeri ah oo ku saabsan baahiyaha Gobolka 1aad iyo rabitaanka isticmaalka xarunta mustaqbalka, waana sababta aan kuu weydiinayno fikradaada ku saabsan ra'yigaaga. Waxaa muhiim ah in la ogaado in ra'yi uruurintan aanu ahayn qodobka go'aaminaya sida xarumaha loo isticmaali doono. Ra'yi uruurintan ayaa ku dhismi doonta jawaab-celinta iyo ka-qaybgalka hore ee bulshada. Waxa kale oo jiri doona tallo laga heli doono Guddiga La-talinta Xarumaha Muddada Dheer oo la tixgaliyo iyada oo ay weheliso falanqaynta shaqaalaha. Ugu dambeyntii, Guddiga Waxbarashada ee APS ayaa laga yaabaa in looga baahdo inay u codeeyaan tallooyinka. Waad ku mahadsan tahay ka qaybqaadashadaada iyo inaad nala wadaagto jawaab-celintaada qiimaha leh ee ku saabsan shaqadan muhiimka ah! Fadlan dhamaystir ra'yi uruurintan ugu dambayn Jimcaha, Noofambar 19.

Sign in to Google to save your progress. Learn more
Fadlan ka dooro midka sida ugu fiican kuu qeexaya: *
Ma ku xidhan tahay ugu yaraan mid ka mid ah dugsiyada ku yaala Gobolka 1aad (Crawford, Montview, North, Paris, Park Lane, Sable or Altura)?
Clear selection
Marka la eego qaababka loo isticmaalo xarunta ugu weyn ee soo socda, fadlan dooro qaabka loo isticmaalo xarunta ee adiga kuugu muhiimsan iyo/ama qiimaha kuugu leh.
Clear selection
Xarunta Loo isticmaalo waxbarashada ama waxbarida, kuwan soo socda ayaa loo aqoonsaday inay bulshada aad ugu baahan yihiin iyada oo loo marayo wada-hadallada kooxda diirada saara dhibaatooyinka bulshada. Fadlan u kala hormari kuwan soo socda sida dhismaha loo isticmaali karo (1-mudnaanta ugu sarreysa ilaa 3-mudnaanta ugu hooseeysa) iyadoo loo eegayo sida ay kuugu kala leeyihiin muhiimada/qiimaha aad aaminsan tahay in midkasta isticmaalkeeda uu noqonaya.
Dugsiga magnetka ee ku xiran Gobolka 1aad wuxuu diirada saara One Health. Dugsiga magnetka ee ku yaal Gobolka 1aad wuxuu u furan yahay dhammaan ardayda dhigta APS, iyada oo aan loo eegin meesha ay ku nool yihiin. Dugsiga magnetka waxaa ku jiri doona dhammaan fasallada asaasiga ah, sida xisaabta, Ingiriisiga, sayniska, iyo cilmiga bulshada, laakiin sidoo kale waxaa ku jiri doona diirad saarida One Health. One Health waxay baartaa xidhiidhka ka dhexeeya dadka, xayawaanada, dhirta iyo deegaanka ay wadaagaan si loo gaaro natiijooyin caafimaad oo wanaagsan iyadoo la barayo qaybo badan iyo kor u qaadida iskaashiga ka shexeeyo waaxda (sida daryeelka caafimaadka dadka, daryeelka caafimaadka xoolaha, sayniska deegaanka, siyaasad-dejiyeyaasha, iwm.)
Barnaamij kale ee Waxbarasho/Balaadhinta Wadooyinka APS. Meel oo lagu balaadhiyo Wadooyinka APS, barnaamij kale oo dugsi sare oo bixiya jadwal waxbarasho oo dabacsan, waxbarashada onlaynka ah, waxbarashada isku-dhafka ah, iyo jawiyo yar-yar si loogu taageero ardayda qalin-jabinaya.
Early College High School (Diwaamgelinta Ardayga Dugsiga Sare ka barto Kuleejka). Early College high school (Diwaamgelinta Ardayga Dugsiga Sare ka barto Kuleejka) waa nooc gaar ah oo dugsi sare ah kaas oo ardaydu ku kasbadaan labadaba dibloomadooda dugsiga sare iyo mid ka mid ah shahaadada asooshiyeedka, shahaadooyinka kale ee dugsiga sare ka dambeeya, ama lixdan buundo ee kulliyadda afarta sano la barto.
1
2
3
Clear selection
Xarunta adeegyada ardayga/taageerada, kuwan soo socda ayaa loo aqoonsaday inay qabaan baahi bulsho oo sareysa iyada oo loo marayo wadahadal kooxda diirada saara dhibaatooyinka bulshada ee Gobolka 1aad. Fadlan u kala hormari kuwan soo socda sida xarunta adeega ardayga/taageerada loo isticmaalo (1-mudnaanta ugu sarreysa ilaa 5-mudnaanta ugu hooseeysa) iyadoo loo eegayo sida ay kuugu kala leeyihiin muhiimada/qiimaha aad aaminsan tahay in midkasta isticmaalkeeda uu noqonaya.
Waxbarashada jiilalka badan/waxbarashada carruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Goobta taageerta waxbarashada carruurta iyo dadka waaweyn iyo mararka qaarkood si wadajir ah wax u bartaan.
Goobaha fursadaha luqadda Ingiriisiga/Isbaanish. Goob lagu taageero fursadaha waxbarashada luqadda iyo/ama waxbarashada laba luqoodlaha ah.
Xarunta shaqaalaysiinta Macalinka, iyada oo diiradda la saarayo macalimiinta midabka. Goob lagu taageero shaqo siinta iyo horumarinta macalimiinta, gaar ahaan macalimiinta midabka.
Xarunta Xannaanada Carruurta/Kobaca Carruurta. Goob bixisa daryeelka carruurta ama fursadaha waxbarasho ee carruurta markay yaryihiin.
Adeegyada Ardayga Gaarka ah. Goob lagu taageero baahiyaha gaarka ah ee ardayda naafada ah iyo/ama shaqaalaha taageera ardayda naafada ah ee dhigta APS.
1
2
3
4
5
Clear selection
Isticmaalka tas-hiilaadka bulshada, kuwan soo socda ayaa loo aqoonsaday inay qabaan baahi bulsho oo sareysa iyada oo loo marayo wadahadal kooxda diirada saara dhibaatooyinka bulshada ee Gobolka 1aad. Fadlan u kala hormari kuwan soo socda sida xarunta adeega ardayga/taageerada loo isticmaalo (1-mudnaanta ugu sarreysa ilaa 2-mudnaanta ugu hooseeysa) iyadoo loo eegayo sida ay kuugu kala leeyihiin muhiimada/qiimaha aad aaminsan tahay in midkasta isticmaalkeeda uu noqonaya.
Xarunta/Adeegyada Taageerada Caafimaadka Dhimirka. Goob ay bulshadu ka heli karto taageerooyinka iyo adeegyada caafimaadka dhimirka.
Xarunta Bulshada (oo leh ama aan lahayn adeegyo dheeri ah ee la shaqaynta caruurta qaba xaaladaha dhimirka). Goobta ay bulshadu isugu timaado iyo hawlo kala duwan ayaa lagu siin doonaa. Tan waxa kale oo ku jiri kara goob loogu talagalay adeegyo dheeraad ah oo u adeegi kara baahiyaha bulshada, sida cuntada, daryeelka caafimaadka, adeegyada bulshada, iwm.
1
2
Clear selection
Haddii aad rabto, fadlan nala wadaag fikradaha kale ee ku saabsan qaababka kale ee loo isticmaalo xarunta ee aad jeceshahay inaad ku aragto Gobolka 1aad.
Submit
Clear form
Never submit passwords through Google Forms.
This form was created inside of APS Google. Report Abuse